Maamulka Juba oo ku taliyay in lacagta la siinayo ciidamada AMISOM loo wareejiyo Dowlada.

Maamulka Juba oo ku taliyay in lacagta la siinayo ciidamada AMISOM loo wareejiyo Dowlada.

daajis.com:-Hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaam  “Axmed Madoobe” ayaa sheegay in si amaanka loo sugo loo baahan yahay in lacagta la siiyo ciidamada AMISOM loo wareejiyo in lagu taagero ciidamada qaranka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in aysan u jeedin ilaa iyo hada wax dhab ah oo ku aadan howlgalka AMISOM ay ka wadaan gobolada Jubboyinka taas oo uu ku tilmaamay lacagtaasi in loo baahan yahay in lasiiyo Askarta Soomaaliyeed.


Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba ayaa soo jeediyay in lacagaha badan ee ku baxaya AMISOM hadii ay qaadan lahaayen kuwa Soomaalida h inay awood u yeelan lahaayeen wax ka badalaan amaanka dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa qaata lacago badan oo uga timaada wadamada howl-galkooda taagera halka dowladda Soomaaliya ay la daalaa dhacayso bixinta mushaarka ciidamada qaranka oo bishii la sheegay in askariga Soomaaliga ah lasiiyo 100 doolar  oo kaliya halka kuwa AMISOM halkii askariba uu qaato 1200 oo doolar iyo gunooyin kale.


Hadalka Axmed Madoobe ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo weli Al-shabaab ay weeraro ka geesanayaan deegaanada Jubooyinka ay kaga sugan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee Amisom.

In ka badan labaatan oo kun oo askari oo Afrikaan ah ayaa ku sugan Goboladda Koonfureen ee dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada