Madaxweynaha oo saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha oo saakay u ambabaxay magaalada Kismaayo

daajis.com:- Waxaa saakay ka ambabaxay Garoonka diyaarada ee Magaalada muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku sii jeeda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo lagu wado inuu kulan kula qaato Madaxda maamulka KMG ee Jubba.


Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Gobolka Jubbada hoose.


Magaalada Kismaayo waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo.

Taliyaha ammaanka Garoonka Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada ay si wanaagsan u adkeeyeen ammaanka Magaalada Kismaayo si loo soo dhaweeyo Madaxweynaha dalka.


Lama oga sababta uu Madaxweynaha Soomaaliya saaka ugu ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, xilli shalay madaxweynaha uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa maanta wuxuu noqonayaa kii labaad oo uu ku tago Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada