Madaxweyne Xasan oo Jabuuti kula kulmaya Axmed Siilaanyo

Madaxweyne Xasan oo Jabuuti kula kulmaya Axmed Siilaanyo

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in ay ku kulmaan caasimada dalka Jabuuti, iyadoo kulankaasi uu goob joog ka noqon doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ee Turkiga garwadeenka ka ahaa, kaasoo xiligii loo balansanaa uusan qabsoomin.

xasan-siilaanyoWaxaa sidoo kale kulankan ka qeybgeli doona Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Feysal Cali Waraabe oo hadda ku sugan Jabuuti, waxaana Madaxweynaha Somaliland isna ku wehlin doona safarka uu ugu ambabaxaya Jabuuti xubno ka tirsan xukuumaddiisa.


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh oo hwolo badan ay ku furan yihiin, maadaama laga sugayo in maalmaha soo socda uu soo magacaabo Ra´iisul Wasaaraha cusub, ayaan la ogeyn in safarka Jabuuti uu noqon doono kadib marka uu soo magacaabo Ra´iisul wasaaraha iyo in kale.

Dowladda Turkiga ayaa horay u dhex dhexaadineysay wada hadalada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland sidii ay meel dhexe isugu imaan lahaayeen midnimada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada