Madaxweyne Xasan Sh: Cumar C/rashiid waxaan kusoo xusay…

Madaxweyne Xasan Sh: Cumar C/rashiid waxaan kusoo xusay…

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad uu ka jeediyay xafladii magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ayuu wuxuu kalsooni uu ku muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay waaya aragnimada uu u leeyahay howsha loo magacaabay, isagoo sidoo kale ka hadlay sababaha uu usoo xushay, iyadoo aan idiin soo koobi doono muhiimada khudbadii uu jeedayay oo sidan u qorneyd.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in aan u magacaabo Danjire Cumar Cabdirashid in uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka ee Somalia. Danjire Cumar Cabdirashiid waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya. Waxa uu lee yahay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo, horeyna waxa uu u soo noqday Ra’iisal Wasaare.”

cumar-abdirashiid-magacaabis-1“Inkastoo Dastuurka awood ii siinayo in aan kiligay soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha, hadana go’aankan markaan gaarayay waxaan tixgeliyay aragtida Soomaalida kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda kala duwan.”

“Ra’iisal Wasaarahu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya, anigu waxaan ahay Madaxweynaha dalka, Ra’iisal Wasaarahuna waa madaxa Dowladda Federalka, wuxuuna masuul ka yahay xaqiijinta hawlaha Dowladda, oo ay ku jiraan dhammaan Wasiirada iyo Wasaaradaha inay fuliyaan hawlahooda waqtiga loogu tala galay, iyada oo aan musuq maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha dadka Soomaaliyeed.”

“Soomaaliya waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhawr arrimood oo taagan oo la xariira amniga, siyaasadda iyo horumarka. Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg deg ah loo fuliyo geeddi socodka qaran dhisidda sida uu qabo Higsiga 2016, sugidda ammaanka iyo in deg deg loo hirgeliyo talaabooyinka horumarka ee ku xusan Heshiiska Higsiga Cusub(The New Deal, Somali Compact).”

“Danjire Cumar Cabdirashid waxaan ku qabaa kalsooni buuxda, waxa kale uu xanbaarsan yahay masuuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed. Dhamaanteen, ayada oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada, waxaan sii adkayn doonaa horumarkii la sameeyay labadii sano ee ugu danbeeysay. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu ogaado nabad iyo horumar in aanan lagu gaarin si fudud, balse loo baahan yahay shaqo adag, heelanaan iyo dadaal.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada