Cumar C/rashiid: Waxaan ballan qaadayaa oo qorshaheyga uu yahay inaan…

Cumar C/rashiid: Waxaan ballan qaadayaa oo qorshaheyga uu yahay inaan…

daajis.com:-Ra’isul wasaaraha cusub ee uu goor dhow magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha iyo howlaha uu doonayo in uu u qabto.

Ra’isul wasaare Cumar Cabdarashiid Cali ayaa waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan uu u sii dhisi doono Xukuumad tayo leh oo uu kala tashanayo madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaannada Xukuumadaasi oo uu tilmaamay in dalka ay ka samata bixin doonto dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in Xukuumadaasi ay la imaan doonto Waxqabad buuxa oo dadka ay mahdiyaan.

Mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu xusay in uu sii wadi doono horumarka Dowladda ay ku tilaabsatay waxa dhiman uu qaban doono oo ay ka mid tahay hiigsiga 2016 oo la doonayo in doorasho xor ah ay ka dhacdo dalka.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa waxa uu tilmaamay in uu wax ka qaban doono arrima la xiriira horumarinta dalka sida sugida ammaanka, iyo gaarsiinta dalka Dowladnimada taa oo uu tilmaamay in ay tahay mida lagu xoojin karo Dowladnimada.

Ra’isul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay 19, June , 1960,w uxuuna cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaana 13-kii February sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha dowladdii KMG eheyd.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada