Mawaadhiniin:- U Dhashay Mareykanka iyo Koofur Afrika oo ay dileen Islaamiyiinta Yemen

Mawaadhiniin:- U Dhashay Mareykanka iyo Koofur Afrika oo ay dileen Islaamiyiinta Yemen

daajis.com:- La heyste u dhashay Mareykanka oo ahaa wariye asal ahaan ka soo jeeday UK iyo Macalin Koofur Afrikan Luke Somers iyo Pierre Korkie ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kadib howl gal guuldareystay oo la doonayay in lagu soo furtay laheystayaashaas oo ka dhacay Gobolka Shabwa ee Koofurta Yemen.

Ciidamo gaar ah oo Mareykan ah iyo ciidamada dowladda Yemen oo wada jir ahaa ayaa ka qeyb qaatay howl gal la doonayay in lagu soo furto labadan muwaadin, iyadoo dagaalyahanada Al-Qaacida ee gacanta ku hayay labadan muwaadin ay dileen.

Howl galkan oo dhacay maalinimadii shalay oo Sabti aheyd ayaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Yemen ay waxay dileen ilaa sagaal dagaalyahan ka tirsan oo ka tirsan Yemen.

Madaxweynaha Mareykanka Barakc Obama ayaa cambaareeyay dilka labadan la heyste oo la sheegay inuu dhacay markii ciidamada gaarka ah ay ku weerareen guri lagu hayay.



Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in howl galkan uu socday muddo nus saac ah, iyadoo maleeshiyada ay dileen labadan muwaadin.
Ciidamada ka qeyb qaadanayay howl galkan ayaa la sheegay in aanay ka warqabin muwaadinka kale ee u dhashay Koofur Afrika, kaasoo lagu waday in la sii daayo maalinta Axada.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay ku guuldareysteen inay soo furtaan muwaadinkan u dhashay mareykanka, waxaana kadib Al-qaacida ay soo bandhigtay muuqaalka muwaadinkan oo la afduubtay sanadkii hore, iyagoo u jeediyay mareykanka dalab ay doonayaan inay fuliyaan, kaasoo aanay sheegin.

Ururka Al-Qaacida ee fadhigooda ahaa Gacanka Carabta ayaa muddo ka howl galayay koofurta Yemen, tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada