R/wasaare C/weli oo ku baaqay in khilaafka lagu badalo is cafin iyo…

R/wasaare C/weli oo ku baaqay in khilaafka lagu badalo is cafin iyo…

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee shalay waayay codka kalsoonida baarlamaanka Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xildhibaanda ay kalsoonida kala noqdeen xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu doonayo in shacabka Soomaaliyeed la qaybsado dareenkiisa ku aadan go’aankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanku codka kalsoonida ah kala noqdeen xukuumadda.

“Shalay oo taariikhdu ahayd 6-da Diseember 2014, Xildhibaanda Golaha Shacabka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhoweynayaa go’aankaas, anigoo si buuxda u aqbalay. Waxaan aad ugu faraxsanahay in goluhu go’aankaas meel mariyey, iyagoo xasiloon oo degan. Waxaan bogaadinayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo si ku dheehan dadaal iyo karti ku daadihinayey kulankii shalay. Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada oggolaaday iyo sidoo kale kuwii diiday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda. Labada dhinacba waxay si sharaf leh u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.”

yuulka-bye“Waxaad ogtihiin in mooshinka kalsooni kala noqoshada uu keenay muran ka dhashay sharci ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed, saamayn ballaarana ku yeeshay hawl socodka xukuumadda iyo baarlamaanka. Waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyey bisayl una tanaasulay danta dadka iyo badbaadinta Qaranka kuwaasoo aqbalay in la guda galo doodada mooshinka. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafin ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud wada shaqayntii dhex martay mudadii sanadka ahayd.


“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay. Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu san marnaba iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa ay u muujiyeen mudadii sanadka ahayd iyo Beesha caalamka oo mar walba garab taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirkooda iyo walaaltinimadooda. “Dalkeenu wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana lagu gaari karaa marka lagu dhaqmo sharciga. Dadkeenu wuxuu u baahan yahay horumar waxaana lagu gaari karaa isku tashi, amni iyo caddalad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada