Video:- Wasiir Waran Cadde: Somaliland waa qeyb kamid DF Somalia

Video:- Wasiir Waran Cadde: Somaliland waa qeyb kamid DF Somalia

daajis.com:- Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa si cad u sheegay in Somaliland xaqiiq ahaan ay la mid tahay maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Galmudug ee hoostaga Dowladda Federaalka Somalia isla markaana Axmed Siilaanyo beesha caalamka u aqoonsan yihiin Guddoomiye Gobol.

Wasiirka oo wareysi bixinayay ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ula dhaqanto sida maamulada kala ee dalka ka jira, isla markaana ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka Somalia.
waran-cadde“Beesha caalamka aqoonsi ay Somaliland u aqoonsan yihiin ma jirto, waxay noola dhaqmaan inaan nahay qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka Somalia sida ay ula dhaqmaan maamulada kale ee Puntland iyo Galmudug” ayuu yiri Wasiir Waran Cadde.

“Waxaanu nahay qeyb ka mid ah Dowladda federaalka Somalia, Madaxweynaha Somaliland-na waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay Guddoomiye gobol”ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa mudo ka badan 20 sano waxay dadaal ugu jirtay inay ka madax bannaanaado Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee aysan muuqan ilaa weli rajada ay ka qabto in ay ka go’do Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada