Maxaa ka cusub magacaabista golaha wasiirada cusub ee DFS? (Magacyada)

Maxaa ka cusub magacaabista golaha wasiirada cusub ee DFS? (Magacyada)

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya loo magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wada dadaalo uu kusoo xulaayo Golaha wasiirada Xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa waxa uu hadda bilaabay inuu kulamo kala duwan la qaato Beelaha Soomaaliyeed oo ay ka imaan doonaan Wasiirada Cusub, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan Odayaasha Beelaha ugu qanciyo qaabka ay u dhici doonto Magacaabida.

Warar hoose waxa ay sheegayan in Ra’iisul wasaare Cumar loo dhiibay warqad ay ku qoran yihiin Magacyo, taasi oo loo badinaayo inay tahay mida lagu diyaariyay magacyada Golaha Wasiirada Cusub, kana timid kooxda Damu-Jadiid.

Waxa ay intaa kusii darayan wararku in Xili hore la diyaariyay Liiska iyo Magacyada Wasiirada Cusub, balse Cumar C/rashiid kaliya uu ku dhawaaqi doono magacaabida Wasiirada oo iyagu maalmo ka hor la soo xulay.

Wasiirada waxaa ku jiri doono kuwo xilal wasiir horey usoo qabtay, Xuseen Xalane, Faarax C/qaadir, Fowsiya Yuusuf, Cabdikariim Guuleed iyo agaasimihii hore ee nabad-sugidda Cabdullahi Sambaloolshe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada