Shariif Xasan oo magacaabay xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed

Shariif Xasan oo magacaabay xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay afar ka mid ah xubnihiisa Golaha Wasiirada.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu soo dhameystirayo xubnaha ka haray wasiirada maamulka, isagoo ka dhawaajiyay inuu qeybaha bulshada iyo beelaha dega saddexda gobol uu kala tashanayo sidii uu u dhameystiri lahaa maamulkiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasiirada ay intaan ku koobnaan doonin, islamarkaana kuwo fara badan laga daba keeni doono, isagoo ka codsaday dadka howsha loo igmaday in si wanaagsan kaga soo baxaan.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Siyaad Sheekh Dahir ayaa sheegay in afarta wasiir ee la magacaabay ay horu dhac u yihiin Golaha wasiirada maamulka.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), Wasiirka Arrimaha Gudaha2. Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Beeraha3. Axmed Sheekh Xasan (Garrow), Wasiirka Garsoorka4. Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, Wasiirka Maaliyadda

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhameystirka maamulkiisa ka dib ay ku tala jiraan dhismaha ciidan u gaar ah maamulka oo ammaanka deegaanada uu ka howlgalayo Koonfur galbeed suga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada