Musharax Diinaari: Ee Gobalada dhexe Waxaa Uu Yiri "Waxan lacag la’aan ka dhigi doonaa waxbarashada illaa"

Musharax Diinaari: Ee Gobalada dhexe Waxaa Uu Yiri "Waxan lacag la’aan ka dhigi doonaa waxbarashada illaa"

daajis.com:-Musharaxa ambassador Abdiraxmaan Diinaari ayaa caddeyay in haddii loo doorto xilka Madaxweynaha maamulka gobalada dhexe inuu lacag la’aan ka dhigi doono waxbarashada ilaa dugsi dhexe.

Danjire diinaari oo ka mid ah musharaxiinta maamulkaasi laga dhisi doono gobalada dhexr wuxuu sheegay in dadka gobaladaasi ku nool la hagraday oo ay u bashan yihiin hoggaamiye daacad ah oo wax ka qabta nolosha dadka sida caafimaadka,waxbarashada,iyo adeegyada kale ee ummaddu u baahanyihiin sida ceelal biyood,waddooyin iyo daryeelka xoolaha.

Danjire wuxuu intaas ku daray inuu rajo weyn ka qabo in xilkaas loo dooran doono madaama uu shacbiga Soomaaliyeed howlo waxtar leh usoo qabtay sidii nabadeyntii carte, daadgureyntii dadkiii soomaaliyeed ee ku go’doomay koonfurta Suudaan,iyo howlo qiima badan oo uu dadka usoo qabtay.

Danjire Abdiraxmaan diinaari wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirki Ganacsiga ee dowladii Cabdiqaasim,Afhayeenkii dowladii Cabdulaahi Yuusuf,ku xigeenkii duqa magaalada ee 1997 oo uu duqa ka ahaa Xuseen Cali Axmed iyo safiirkii Soomaaliyeed ee Suuriya iyo safiirka koonfurta Suudaan.

Danjire Diinaari wuxuu Musharixiinta kale kaga duwan yahay waa musharaxa keliya ee u sharxan beelo dhowr ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada