Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta la kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee AMISOM.

Wakiilka Midowga Africa ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke xilka cusub ee loo dhiibay, wuxuuna tilmaamay ka midowga africa ahaan in ay la shaqayn doonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoo u rajeeyey inuu ku guuleysto howlaha ballaaran ee horyaalla.

Danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in uu filayo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke inuu sii xoojin doono xariirka ka dhaxeeya midowga africa iyo Somalia.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga africa dhambaalka uu soo gaarsiiyey, wuxuuna tilmaamay in uu sii adkayn doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dawladda F. Soomaaliya iyo Midowga Africa, isla markaana wadajir uga shaqayn doonaan sidii markale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay u magacaabay Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii horaantii bishan uu Baarlamanka Soomaaliya kalsoonidii kala laabtay Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada