SAWIRRO:- Ciidamo tababar loogu soo xiray Garowe, Puntland

SAWIRRO:- Ciidamo tababar loogu soo xiray Garowe, Puntland

daajis.com:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-12-2014 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xirayey Ciidamo katirsan Booliska Puntland iyo weliba Ciidanka Asluubta Puntland kuwaasi oo tiradoodu ay gaaraysay 60-askari oo rag iyo dumarba isugu jiray.


 Soo xiritaanka tababarkan ayaa masuuliyiinta Madaxweyne ku xigeenka ku wehlisay waxaa kamid ahaa Wasiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen : Cali Nuur Cumar ,Masuuliyiin ka socday Hay’adda UNDP iyo saraakil katirsan ciidanka Puntland.



Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland  Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dardaaran iyo dhiirigelinba u jeediyey ciidamada tababarka dhamaystay , shacabkana waxaa uu ugu baaaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka si ay waajibaadkooda u kutaan.

‘’Waxaan idin leeyahay wixii aad halkaan ku barateen muhiim ayey ahayd waa in ay noqoto mid aad ugu adeegtaan umadda reer Puntland idinkoo labo qeybood isugu jira booliiska iyo asluubta’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.


‘’Waxaan qabaa wixii aad barateen hadaad ku shaqaysaan inay noqon doonto faa’iido balaaran oo dalka u soo hoyatay, mana noqon doonto tii ugu dambaysay ‘’Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland mudane Camey.

Tababarkaan oo socday muddo dhan toban maalmood ayaa ciidanka ka qeyb galay waxa ay ku barteen waxyaabo badan oo ay kamid yihiin habkii ay gawaarida u baari lahaayen ,sidii ay u soo saari lahaayen qaraxyada noocooda dhulka lagu aaso iyo weliba nabad galyada dadka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada