Ciidamada badda Somaliland oo qabtay 51-doomood iyo shaqaalihii saarnaa

Ciidamada badda Somaliland oo qabtay 51-doomood iyo shaqaalihii saarnaa

daajis.com:- Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa maanta sheegay in ciidankiisu hawlgal ay qaadeen ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib ah oo si sharci darro ah kaga kalluumeysanaayay xeebaha maamulkakaasi.


Taliyaha ayaa sheegay in 51 doon oo laga leeyahay dalka Yaman iyo markab laga leeyahay dalka masar ay ka soo qabteen inta u dhaxaysa min Maydh ilaa lughaya, ee ka tirsan Somaliland.

Taliyuhu wuxuu BBC u sheegay in doonyahaasi iyo markabkaasi oo ay saarnaayeen 257 qof oo baxaari ahi ay si sharci darro ah uga guranayeen badda somaliland kalluunka iyo kheyraadka kale hatana ay ku xidhanyihiin magaalada Berbera.


Doonyaha la qabtay ayaa isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar oo ah nooca kalluumeysiga. Dadkan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la horgeyn doonaa sharciga sida uu sheegay Admiral Axmed Aw Cismaan.

Kalluumeysatada maxalliga ah ee deegaanada Somaliland ayaa beryahan danbe waxay ka cabanayeen maraakiib iyo doonyo jirriif ah oo shisheeye oo xaalufinaya kalluunka badda oo si sharci darro ah u guranaya .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada