Soomaaliya oo kaalinta hoose ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka (Akhriso)

Soomaaliya oo kaalinta hoose ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka (Akhriso)

daajis.com:Warbixin cusub ee ay sanadkan soo saartay Ururka Transparency International ayaa looga hadlay heerka musuq maasuqa caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka gashay meesha ugu hooseeysa liiskan.

Soomaaliya ayaa wali ku jirta kaalinta ugu hooseysa liiskan, waxaana jirin ilaa iyo hada in ay sare uga soo kacday liiskan oo sanadkiiba la soo saaro, sanadihii 2013 iyo 2012 ayay si isku mid ah kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan.

Afar dal oo dalalka Scandanvian-ka iyo New Zealand ayaa galay kaalinta ugu horeysay dalalka uu musuq maasuqooda uu yar yahay, waxaana ka mid ah dalalka Denmark, New Zealand, Finland, Sweden iyo Norway.

Sidoo kale shanta dal ee ugu hooseysa ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Afghanistan, Sudan, Waqooyiga Kuuriya iyo South Sudan, kuwaasoo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ugu musuq maasuqa badan.

Soomaaliya iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ku jira kaalinta ugu hooseysa, waxayna galeen kaalinta 174aad, waxaana tani ay soo if bixineysaaa heerka musuq maasuqa ee wadamadaas ay ka gaareen sanadkan oo kaliya.

Liiska 17-ka dal ee ugu horeeya ee  uu Musuq maasuqooda uu yar yahay

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada