VIDEO:- Wiil Dilay Filim Qaade Sakariye Maxamed oo la waraystay inta aan la toogan kahor

VIDEO:- Wiil Dilay Filim Qaade Sakariye Maxamed oo la waraystay inta aan la toogan kahor

daajis.com:- Maxkamada Darajada Koowaad Ee Ciidanka Qalabka sida Ee Somalia ayaa waxaa ay maanta Dil Toogasho ah ku Fulisay sadax Gacan ku dhiigle oo horay Dilal ugu geystay Mawaadiniin Soomaaliyeed isla markaana Maxkamada Ciidanku ay Horay Xukunka ugu riday Markii lagu helay dambigaas.

Sadaxdaan Ruux Ee saaka la toogtay ayaa waxaa mid ka mid ahaa wiil ka tirsanaa Maleyshiyaadka Kooxda Nabadiidka ah Ee Al shbaaab, halka labo kalena ay ahaayeen rag horay uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida Ee Somalia dilalna ay geesteen .

 Dadka Saaka Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ay Toogatay ayaa waxaa ka mid ahaa Ibraahim C/laahi cali oo horay u dilay Wiil Filim qaade ahaa oo lagu Magacabai jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Macali oo uu ku toogtay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir sidoo kale waxaa uu dilay Ex Dable Cali Mambuuq.

Waxaa kale oo ka mid ahaa dadka Saaka la toogtay C/laahi Cartan Maxamuud oo 22 jir ah horayna uga tirsanaa Ciidanka qalabka sida Ee Somalia kaas oo horay u dilay Axmed Cabdi raxmaan Shariif oo uu ku dilay Degmada Shibis Ee Gobolka banaadir.


iyo Qofka kale Ee saaka la dilay ayaa waxaa uu ahaa Ex Dable C/fitaax Axmed Cabdi oo29 jir ah oo isna ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia horayna u dilay Maxamuud Xasan Maxamed.

Aabaha dhalay Sarakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo saaka goob joog ahaa Goobta lagu toogtay Gacan ku dhiiglihiui dilay Wiilkiisa ayaa soo dhaweeyay Xukunka Maxkamadu fulisay isagoo sheegay in ay muuqato cadaalad iyo garsoor Bulshadu ay isku haleyn karto Waxaana uu ku taliyay in sidaan oo kale Cadaalada loo mariyo cid kasta Disha Mawaadin aan Dambi lahayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada