Daawo Muuqaal:- Sida uu u dhacay Dil Dubai loogu geestay Macalimad Mareykan ah iyo Qabashada Ruuxii dilkaasi fuliyay

Daawo Muuqaal:- Sida uu u dhacay Dil Dubai loogu geestay Macalimad Mareykan ah iyo Qabashada Ruuxii dilkaasi fuliyay

daajis.com:-  Ciidamada amaanka Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan Haweeney la sheegay in ay ka dambeysay dil maalmo kahor Magaalada Abuu Dubai loogu geestay Haweeney Macalimad aheed oo u dhalatay Dalka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Imaaraatka Carabta Sheikh Sayf Bin Saayid Aala Nahyan, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la qabtay Haweeneydii ka dambeysay dilka Macalimad u dhalatay Dalka Mareykanka oo lagu dilay Magaalada Abuu Dubai.

Muuqaal muujinaya qaabkii uu u dhacay Dilka Macalimada Mareykanka oo lasoo bandhigay ayaa muujinaya Haweeney wadata shuko iyo indha shareer oo gudaha u galeysa xarun ay kusugneed Macalimada Mareykanka markii ay dishay kadibna kasoo baxeysa.



Howlgal ay Fuliyeen Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay qaabkii loo soo qabtay Haweeneydii dilka ka dambeysay iyo nin guriga la joogay, waxaa sidoo kale lasoo qabtay gaarigii dilka lagu fuliyay oo taargadiisa lagu qariyay Calanka Imaaraadka Carabta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada