Daawo Muuqaal:- Warbaahinta UK oo soo bandhigtey qaabkii ay shaqeyn jireen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Gabdhaha ka ganacsan jiray

Daawo Muuqaal:- Warbaahinta UK oo soo bandhigtey qaabkii ay shaqeyn jireen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Gabdhaha ka ganacsan jiray

daajis.com:- Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa amrkii ugu horeysay waxay soo bandhigtey qaabkii ay shaqeyn jireen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhawaantaan maxkamad ku taala dalkaa Ingiriiska ay ku riday xukun, ka dib markii lagu helay inay gabdho yar yar oo aan qaan gaarin ay kufsi u geysteen islamarkaana ay jirkooda iibin jireen.

Dhalinyaradaan Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwa ay howsha u kala qeybsan tahay iyadoona hogaamiyahooda oo lagu magacaabo Maxamed Jimcaale oo 24 sao jir ah uu ahaa nin aqoon yahan ah islamarkaana gabdhaha soo xero gelin jirey kooxdaan ayaa waxay ka qaraaban jireen gabdhaha yar yar ee iskooleyda ah iyadoona gabdhaha ay dhibaateeyeen oo tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafeyso ilaa 10 gabdhood ay da'adoodu ahayd inta u dhaxeysa 13 ilaa 17 sano jir, Dhalinyaradaan ayaa waxay maxkamadu ayku xukuntay xabsi kala duwan oo u dhexeeya 18 bilood ilaa iyo 13 sano oo xarig ah.



Ugu dambeyntiina iyadoo falkaan foosha xun ee ay ku dhaqaaqeen dhalinyaradaan Soomaaliyeed uu yahay mid meel ka dhac weyn ku ah sumcada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed dhamaantood ayaa qoraal ay soo saareen jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Bristol waxay ku canbaareeyeen falkaas ay ku kaceen dhalinyaradaas Soomaalida ayagoona ku tilmaamay mid aan ka turjumeynin dadka Soomaaliyeed oo badankood ah kuwa aan lagu aqoon waxyaabahaas oo kale, Muna Cabdi oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee magaalada Bristol ayaa waxay ku sheegtay falkaas ay ku kaceen dhalinyaradaas Soomaaliyeed mid ka baxsan dhaqanka iyo diinta Soomaaliyeed. 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada