Topnews:-Cumar Cabdirashiid oo diiday inuu saxiixo Liiskii Golaha Wasiiradda Damujadiid- Khilaaf iyo Kala tag?

Topnews:-Cumar Cabdirashiid oo diiday inuu saxiixo Liiskii Golaha Wasiiradda Damujadiid- Khilaaf iyo Kala tag?

daajis.com:-Casho Sharaf Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke loogu sameeyay Villa Somalia ayaa farxad daro ku dhamaatay kadib markii uu diiday inuu saxiixo warqad ay soo qoreen Kaadiriinta Damujadiid iyo Saaxibadood taas oo lagu qoray Liiska Golaha Wasiiradda cusub.

Laba qof oo ka qeybgalay Casho sharafta Madaxtooyadda loogu sameeyay Cumar Cabdirashiid ayaa Waagacusub Media u xaqiijiyay inuu qaadacay saxiixida liiskii golaha Wasiiradda ee Villa Somalia soo qortay.

"Waxba kama qabo inaad soo qorataan dhamaan Golaha Wasiiradda cusub ee Xukumadda Federalka hasse yeeshee ma saxiixi karo hadaad ku soo dartaan Wasiiradii Khilaafka ka dhashay iyo kuwa Damujadiid”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid .

Faarax Cabduqadir iyo Cabdikariim Guuleed ayaa ku adkeestay inaan la magacaabi doonin Cumar Cabdirashiid inta uu ka saxiixaa  Digreetadda Golaha Wasiiradda cusub.

Cumar Cabdirashiid  ayaa ku yiri " Warqadaan Beesha Caalamka ayaa ii keentay ,idinkana Copy ayaa leeydin siiyay sideey ii sheegeen,waxaa  leeygaga digay inaan Golaha Wasiiradda ku soo daro Wasiiradii Khilaafka uu ka dhashay iyo kuwa Urur diimeedka Damujadiid ka tirsan sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa inaad qof kale xilka u dhiibataan,hadii kalena aad aqbashaan cudurdaarkeeyga liiskaan”

Faarax Cabduqadir ayaa Cumar Cabdirashiid ugu jawaabay” Beesha Caalamka anaga nooma taliso ,waxaan nahay Dowlad madaxbanaan sidaas darteed meel iska dhig  warka Caalamka ee suurtagal makaa tahay inaad liiskaan Wasiiradda saxiixdo si aan anagana kuu siino Warqada magacaabista xilkaaga”
Cumar Cabdirashiid ayaa ugu jawaabay Faarax " Igama suurtagal maxaa yeelay Beesha Caalamka taageero ayaan ka rabnaa,Ciidanka amaankeena qaabilsan ee AMISOM iyagaa bixiya Mushaarkooda iyo hubkooda”


Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa hadalka qaatay wuxuuna yiri " Xilka adigaan kugu xurmeeynay maadama ay Cadaadis na saareen saaxiibadeena siyaasadda Sanbaloolshe iyo Shariif Xasan laakiin hadaad diiday inaad aqbashid qorshaheena siyaasadeed,waxaan ka tashan doonaa Xuseen Cabdi Xalane iyo Dr Bashiir Nuur Bidaar kaan xilka u magacaabi karno”

Cumar Cabdirashiid ayaa iskaga kacay fadhiga,waxaana loo qaaday Hotelka Peace ee Magaaladda Muqdisho.

Ila wareedyo muhiima ayaa sheegay in Kaadiriinta Damujadiid la hadleen Shariif Xasan Sheekh Adam ,iyagoo u sheegay inuu diiday saxiixida Liiska golaha Wasiiradda.

Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Shariif Sakiin ayaa loo xilsaaray iney Cumar Cabdirashiid ku qanciyaan inuu sharuud la’aan saxiixo Liiska golaha Wasiiradda si berri loogu magacaabo xilka Ra’isulwasaaraha.
Sikastaba ha ahaatee, Lama oga in lagu qancin doono rabitaanka Damujadiid hasse yeeshee wuxuu Cumar Cabdirashiid noqday Siyaasigii ugu horeeyay ee laga dalbaday inuu saxiixo Liis gole Wasiiro ,isagoo aan xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada