Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay in musuq maasuq baahsan lagu helay 19 Wasaaradood iyo 3-hey’adood

Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay in musuq maasuq baahsan lagu helay 19 Wasaaradood iyo 3-hey’adood

daajis.com:- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir iyo Hanti dhowrka guud Dr, Nuur Faarax ayaa maanta hor-tagay Golaha Baarlamaanka, iyagoo su’aalo uga jawaabay Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii mooshin ay ka keeneen.

Su’aalo weydiintan oo aheyd mid ka dhalatay markii amar si wada jir ah uga soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka guud oo amreysay in Wasiirada aanay dalka ka bixi karin ilaa ay xilka ka wareejinayaan, ayaa xildhibaanada qaar ay ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Xildhibaanada qaar oo weydiinta su’aalahooda ay ku kala aragti duwanaayeen ayaa xildhibaano dhowr ah waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay inuu yimaado la xisaabtan dhab ah, isla markaana dalka Soomaaliya uu ragaadiyay musuq maasuq.

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa sheegay in ilaa 19 wasaaradood iyo saddex hey’adood ay ku heleen musuq maasuq baahsan, isla markaana ay tahay wasaaradahaas kuwo aan musuq maasuq ka mareyn.

“Xafiiska hanti dhowrka iyo xafiiska xeer ilaalinta waxay baaris ku soo gaba gabeeyay 19 wasaaradood iyo saddex hey’adood, waxaa hartay sideed wasaaradood, 19 wasaaradahaas mid aan ku sugnaan ama aanay ka jirin haba yaraatee musuq maasuq baahay, kuwaasoo dhameystiran ayaa ku heynaa musuq maasuqooda oo ay ugu weyn yihiin ku takri fal hantiyadeed iyo mid awoodeed”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hadii loo baahan yahay magacyadooda uu diyaar u yahay inuu soo gudbiyay, waxaana uu ka jawaabay hadal ka soo yeeray Xildhibaanada oo ahaa inuu raali gelin ka bixiyo warqadii xafiiskiisa ka soo baxday, isagoo xusay in howsha uu u xil saaran yahay oo ah ka taba tag, ka hortagid iyo dhameystir inta Maxkamad arrintan go’aan ka gaareyso aanu wax raali gelin ah ka bixin karin.

Sidoo kale Hanti dhowrka guud ayaa sheegay in Soomaaliya ay heerka ugu hooseysa ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan, isla markaana xafiiskooda uu yahay mid ka madax banaan siyaasadaha dalka ka jira, waxaana uu cadeeyay in howsha loo xilsaaray ay sidii loogu tala galay uga soo bixi doonaan, iyadoo daacad ku jirto.

Maalinta berri ayaa la filayaa inay doodan sii socoto, inta laga soo gaba gabeynayo, waxaana tani la filayaa inay noqoto mid xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka Guud ay xildhibaanada su’aalo dheeraad ah ku weydiiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada