Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo sheegay inuu ka guuleystay Maxkamada ICC

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo sheegay inuu ka guuleystay Maxkamada ICC

daajis.com:- Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay inuu guul ka gaaray maxkamada caalamiga ee dambiyada ICC, kadib markii ay joojisay baaritaanadii ay ka Gobolka Darfur, halkaasoo ay ka dhaceen dambiyo dagaal.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa shacabka dalkiisa ku amaanay sida ay u diideen go’aankii Maxkamada ICC iyo isku daygii ay doonayeen inay ku bahdilaan Suudaan.

“Dadka Sudan waxay u midoobeen Maxkamadaha gumeysiga, waana guuldareysteen isku daygii ay doonayeen inay ku bah dilaan Sudan”ayuu yiri Al-Bashiir.

Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC ayaa sanadkii 2009-kii ku soo oogtay Madaxweyne Al-Bashiir inuu dambiyo dagaal galay, isla markaana amartay in la soo xiro, hase ahaatee go’aankaas ayaan saameyn ku yeelan.

Al-Bashiir ayaa socdaalo dhowr ah ku tagay wadamo dhowr ah oo xubin ka ah Maxkamada ICC, isagoo socdaalkii u horeeyay ku tagay dalka Qadar oo uu uga qeyb galay shir madaxeedkii Carabta ee sanadkii 2009-kii.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa diiday inuu aqoonsado awooda Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.

Dacwad oogaha maxkamada ICC ayaa jimcihii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay inay hakineyso baaritaanadii ay ka waday Gobolka Darfur, iyadoo ku eedeeyay Qaramada Midoobey in aanay wax tallaabo ah qaadin.


Madaxweynaha Uganda ayaa jimcihii mar uu ka qeyb galayay maalinta Jamuri Day ee xornimada Kenya waxaa uu ku baaqay in dalalka Afrika ay xiriirka u jaraan Maxkamada ICC, isagoo sheegay in shirka ugu soo horeeyay ee Midowga Afrika uu hor-geynayo mooshin ka dhan ah Maxkamada ICC.

Maxkamada ICC ayaa lagu tilmaamaa inay kaliya u dhisan tahay maxkamadeynta hogaamiyeyaasha Afrika, waxaana hada dacwado ay ka yaaleen madax afrikaan ah oo uu ka mid yahay Madaxweyne kuxigeenka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada