XOG: Ethiopia oo soo xulatay shaqsiga ay la rabto inuu noqdo M/weynaha G.dhexe

XOG: Ethiopia oo soo xulatay shaqsiga ay la rabto inuu noqdo M/weynaha G.dhexe

daajis.com:- Doowlada Ethiopia oo iyadu galaangal siyaasadeed oo aad u ballaaran ku leh siyaasada Soomaaliya, ayaa la sheegayaa ineey soo xulatay shaqsiga ay la dooneyso, inuu noqdo M/weynaha maamulka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mid kamid ah saraakiisha Ahlusuna Waljamaaca, ayaa qaar kamid ah warbaahinta u sheegay, in doowlada Ethiopia ay soo xulatay Axmed Cabdi Salaan, oo haatan ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis-Ababa.

Axmed C/salaan, ayaa waxaa lagu xantaa inuu kamid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu xiran doowlada Cadawga ku ah danaha Soomaaliya ee Ethiopia.

Axmed C/salaan, ayaa hada waxa uu wadaa shirar kala gooni gooni ah oo uu la leeyahay siyaasyiinta odoyaasha iyo waxgaradka Gobolada dhexe, si ay isaga u taageeraan inuu noqdo M/weynaha maamulka Gobolada Dhexe.


Doowlada Ethiopia, ayaa iyadu walaac xoogan ka qabto, in Gobolada Dhexe uu M/weyne ka noqdo shaqsi kamid ah shaqsiyaadka ku lug leh ururyo diimeeyada kajira Soomaaliya, waxaana taas badalkeeda ay doonaysaa inuu kusoo baxo shaqsi si dhow iyada xiriir ula leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada