Baarlamaanka Britain oo si rasmi ah loo kala diray

Baarlamaanka Britain oo si rasmi ah loo kala diray

daajis.com:- Saqdii dhexe ee xalay, ayaa waxaa si rasmi ah loo kala diray Xildhibaanadii Baarlamaanka Britain, ka dib markii ay dhamaatay shantii sano ee loogu talla galay inay Xukuumaddu shaqeyso.


Baarlamaanka Britain oo ka kooban 650 Xildhibaano, ayaa waxay maanta ka dib ay Xildhibaanadu noqon doonaan kuwa lamid ah qaybaha bulshada caadiga ah.


7-da bisha May, ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Britain ay ka qabsoomto Doorashada Madaxtinimada Britain, ka hor mudadaasina waxaa xilka sii hayn doonto Xukuumadda, inkastoo aynaan Xukuumadda geli doonin heshiisyo waaweyn.


Olalaha Doorashada Britain, ayaa maanta si rasmi ah kaga bilaabaneysa dalkaasi, marka Ra’iisal Wasaare David Cameron uu la kulmo Boqorada Britain Queen Elizabeth.


Ra’iisal Wasaaraha waxaa gaari lagu gayn doonaa Xarunta Boqortooyada Britain, waxayna taasi daba socotaa kala diristii xalay ee Xildhibaanada Baarlamaanka Britain.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada