Maxkamad ku taal Mombasa oo la soo taagay saddex haween doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab

Maxkamad ku taal Mombasa oo la soo taagay saddex haween doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab

daajis.com:- Saddex gabdhood lagu xiray deegaanka Ceel Waaq Kenya oo doonayay inay u tallaabaan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Al-Shabaab ayaa Isniintii maanta la soo taagay Maxkamad ku taal magaalada Mombasa, iyagoo wajahaya eedeymo la xiriira argagixisnimo.

Maxkamada ayaa ku amartay in labaatan cisho lagu siiyo xabsiga, si ay baaritaanka u sii socdo, waxaana dacwadaha lagu soo oogay ka mid ahaa in loo soo tababari rabay falalka is qarxinta.

Saddexdan gabdhood oo lagu kala magacaabo Ummul-Kheir Sadir Abdulla oo u dhalatay Tanzania, Khadija Abubakar Abdulkadir iyo Maryam Said Aboud oo labaduba ah Kenyan ayaa doonayay inay u socdaalaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Labada Hablood ee u dhashay Kenyanka ayaa ka yimid deegaanka Milindi, waxaana la sheegay in laga tashkiiliyay barta Whatsapp sida ay sheegeen Booliska.



Ummul-Kheyr Sadir Abdulla ayaa Kulyadda caafimaadka ka baraneysa Jaamacada Africa University ee dalka Sudan, waxaana ay u soo duushay Nairobi, kadib markii ay ka soo ambabaxday magaalada Khartoum, waxaa la rumeysnaa inay hogaamineysay labada gabdhood ee kale.

Wararka ayaa sheegaya in Booliska ay gacanta ku dhigeen taleefanadooda gacanta iyo labo Laptop ay wateen, waxaana in muddo ah ku raad-joogay sirdoonka dalkaas oo horay u dhageystay taleefanadooda

Gudoomiyaha Mombasa Nelson Marwa ayaa sheegay in gabdhahan ay doonayeen inay ka mid noqdaan Xarakada Al-Shabaab, isla markaana loo soo tababari rabay inay is qarxiyaan.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay kontan ruux oo kale qorsheynayay inay ku biiraan Al-Shabaab, iyadoo la sheegay inay jirto shabakad dadka ka qorta Gobolka Xeebta iyo deegaanada kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada