daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug ahna musharax Madaxweyne Maamulka Mudug iyo Galgaduud Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa gaaray magaalada Cadaado, isagoo ka dhawaajiyay inuu dhowaan ka furmi doono shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.
Cabdi Qeybdiid ayaa xusay inay nasiib darro tahay in muddo sagaal bilood ka soo wareegatay xilligii la saxiixay heshiiskii maamulka loogu mideyn lahaa Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ilaa iyo hadana ay waxba ka soo bixi la’yihiin.
“Waxaa nasiib darro ah in muddo sagaal bilood inay ka soo wareegatay markii la saxiixay heshiiskii Maamulka labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud lagu mideynayay, ilaa iyo hadana waxba kama aanay qabsoomin, balse waxaa rajeyneynaa in maalmaha soo socda inuu shirkii maamulka loogu dhisi lahaa uu ka furmo Cadaado”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo shirkii dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb.
Ergadii ka qeyb gashay shirkii Dhuusa Mareeb oo todobaadkii hore ka soo saartay war murtiyeed ayaa waxay ku baaqeen in shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe lagu qabto isla Dhuusa Mareeb, bedelkii qorshuhu ahaa Cadaado.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah musharaxiinta ay ku leeyihiin khilaafka ka jira meesha shirka lagu qabanayo, ayna kala taageersan yihiin Dhuusa Mareeb iyo Cadaado.
Kala aragti duwanaanshaha halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta ayaa aheyd mid aad u sii xoogeysaneysay, ilaa heer Madaxweynuhu labo cisho ugu hoyday Dhuusa Mareeb, si uu meesha uga saaro kala aragti duwanaanshahaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:29 and have
