Daawo Sawiro:- laga soo qaaday Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Masuuliyiin maanta booqday Hoteelkaasi

Daawo Sawiro:- laga soo qaaday Hotelka Maka Al-Mukarama iyo Masuuliyiin maanta booqday Hoteelkaasi

daajis.com:- Hotelka Maka Al-Mukarama oo maalin kahor ay weerar ku galeen rag hubeesan oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab, ayaa wali waxaa ka muuqda raadadkii uu weerarkaasi dhiiga badan ku daatay uu ku reebay dhismaha Hotelka.

Waxaa bur bur uu soo gaaray qeybo kamid ah Dhismaha Hotelka , waxaana wali ka muuqda dhibaatadii ka dhalatay weerarkii is qarxinta iyo midkii tooska ahaa ee Hoteelkaasi ku galeen rag hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa Maanta dhismaha Hoteelka kormeer ku tagay Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka, Jen C/Raxmaan Tuur yare, Culumaa’udiinka iyo Xubno katirsan Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Hoteelkaasi ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay ka go’antahay sidi loo soo afjari lahaa dhibaatada ay shacabka ku hayaan Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto sidii milkiilayaasha hoteleeda looga caawin lahaa sugidda ammaanka.
“Dadka la marin habaabiyay oo caqli yar uu ku dambeeyo in ay iska soo noqdaan iskana daayaan waxyaabaha ay gacanta kula jiraan anagana waan soo dhaweynaynaa waayo waa dadkeenii la marin habaabiyay” ayuu yiri yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Weerarka Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Maka Al-Mukarama waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 20-xubnood ay ku jiraan Masuuliyiin , Ciidan iyo waliba dad shacab ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada