daajis.com:- Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa baaq u diray Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Baay iyo bakool.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay labada Ciidan iney dib u furaan jidadka xiran ee dhibaatada ku haysa shacabka kuwaas oo horay u jareen Kooxda Al-Shabaab .
Wuxuu sheegay in sid degdeg ah loogu baahanyahay dib in loogu furo wadooyinka xiran si loo badbaadiyo boqolaalka shacabka ah ee deegaanadaas ku go’doonsan .
Kooxda al-Shabaab ayaa horay u gooyey jidadka ay adeegsan jireen shacabka gobollada Baay iyo Bakool ku dhaqan,wxaana ay saameyn ku yeelatay noloshii dadkaas,waana mid keentay in Madaxweynuhu baaq diro.
” Ciidanka AMISOM waxan rajeynayaa iney jidadka furaan ,shacabka dhibaatada haysata ka dulqaadaan,kuwa hada la soo tababaray iyo kuwa horay u joogay inay umadan u adeegaan oo dhibaatada shacabka uu nabad diidka ku haayo ka dulqaadaan.’ayuu yiri Shariif Xasan.
Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom oo sanadkii hore la wareegay goboladan ayey timid in kooxda al-Shabaab go’doon ka dhigaan taasoo keentay ineysan jirin gaadiid sahay ah oon geli karin tan keliya oo u bannaana ay tahay Ciidamada oo diyaarado loogu keeno.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:34 and have
