Faroole oo ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay dayacday ammaanka Siyaasiyiinta Majeerteen.

Faroole oo ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay dayacday ammaanka Siyaasiyiinta Majeerteen.

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo ku sugan dalka Australia ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Puntland waxaa uu ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay dayacday ammaanka dadka aan deegaanka ku laheyn Muqdisho, kadib weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday Hotelada Muqdisho.

Faroole ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobey ee Xuquuqul Insaanka Yuusuf Bari Bari oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii jimcihii ee Hotel Maka Al-Mukarama.

“Dadka aan deegaanka ku heysan Muqdisho dowladda federaalka, iyadaa amnigeeda qaadeysa, waana ku dhaliilayaa in aysan iska xil saarin, gaar ahaan kuwa aan qaraabada ku laheyn Muqdisho”ayuu yiri Faroole oo u muuqday nin kala saarayay dadka ku dhinta weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Mr Faroole ayaa si gaar ah u xusay inay aheyd in dowladda ay ka fikirto ammaanka Danjire Yuusuf Bari Bari oo aheyd in aanay amnigiisa si gaar ah u sugto sida uu yiri.

“Waxay aheyd ninkaas Safiirka ah inay amnigiisa iska xil saarto, waliba si gaar ah loo ilaaliyo, ma aheyn in dadka caadiga ah la dhex dejiyo”ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa lagu xusuustaa hadaladii kululaa xilligii uu madaxweyne ka ahaa Puntland, isagoo mar walba dhaliili jiray dowladda Federaalka, hadalkiisan ayaa noqonaya mid iftiiminaya dareen aanay dadka jecleysaneyn.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa weerarada iyo qaraxyada ka dhacayay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo ay dadki si isku mid ah ula kulmaan, hadii ay ahaan laheyd Mas’uuliyiin iyo shacab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada