daajis.com:- Meydka Allaha u naxariistee Danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul insaanka ee magaalada Geneva Yuusuf Bari Bari ayaa maanta loo qaaday magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, halkaasoo maanta lagu aasi doono.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo dad kale ayaa salaadii janaasada kula dukaday garoonka diyaaradaha Aadan cadde, waxaana diyaarada meydka ka qaaday Muqdisho horay u sii raacay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo aaska ka qeyb geli doona.
Danjire Yuusuf Bari bari ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii 27-kii bishan ee jimcihii lagu qaaday Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana halkaas ku dhintay dad ka badan toban ruux oo hotelka ku sugnaa xilliga la weeraray.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Danjire Yuusuf Bari Bari.
Aaska qaran ee loogu sameynayo magaalada Garowe ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan madax ka tirsan Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:24 and have







