Daawo Sawirada:- Ra'zul Wasaare kuxigeenkii hore ee Dalka Ruushka oo xalay lagu toogtay Magaalada Moscow

Daawo Sawirada:- Ra'zul Wasaare kuxigeenkii hore ee Dalka Ruushka oo xalay lagu toogtay Magaalada Moscow

daajis.com:- Ra’iisal wasaare ku xigeen hore ee Dalka Ruushka Boris Nemtsov, ayaa xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Moscow ee caasimada Dalka Ruushka, waxaana baxsaday dadkiika dambeey dilka loo geestay Siyaasigan caanka ahaa.

Qof hubeesan oo gaari yar watay ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay Boris Nemtsov isaga oo marayay buundo ku dhaw aqalka Kremlinka sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan laamaha amaanka Magaalada Moscow.

Boris Nemtsov, ayaa ahaa siyaasi caan ah oo mucaarad ku ahaa Xukuumada Ruushka, waxa uuna Siyaasigan kasoo horjeeday Dagaalka kasocda Dalka Ukraine, isagoona saacado kahor inta aan la dilin ku dhawaaqay sida uu u taageersan yahay dibad bax looga soo horjeedo Dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama ayaa si isku mid ah u canbaareeyay dilka loo geestay Hogaamiyahan Mucaaradka ahaa, horeyna usoo noqday R/Wasaare kuxigeen.

Siyaasigan la dilay oo caan ku ahaa in uu mucaarado Dowlada Ruushka ayaa horey u sheegay in uu ka baqayo in la dilo, waxa uuna farta ku goday in ka baqayo in Madaxweynaha Dalkaasi Ruushka Vladimir Putin in uu dilo .

Hogaamiyahan Mucaaradka ah ee la dilay Mr Nemtsov ayaa waxa uu ka soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Boris Yeltsin 1990kii, waxa uuna mudooyinkan dambe ahaa Siyaasi caan ku ah mucaarada Dowlada hada jirta, waxaana la tuhmayaa in dilkiisa ay Siyaasad ka dambeyso






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada