Daawo Sawirrada: Jilaaga Hollywood-ka ee Barkhad Cabdi oo Xamar booqday

Daawo Sawirrada: Jilaaga Hollywood-ka ee Barkhad Cabdi oo Xamar booqday


daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia Booqasho kusoo gaaray Jilaaga Barkhad Abdi, oo dalka Somalia ka maqnaa muddo lagu qiyaasay 20-sano oo xiriir ah.

Jilaaga ayaa waxa uu damaashad ku tagay Xeebta Liido, goobaha ay ku kulmaan Bulshada si uu u indha indheeyo Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu booqasho Ceynkaasi ah ku gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii Hay’ adda Adeso u xushatay Safiir.

Barkhad Abdi, ayaa sidoo kale socdaal ku mari doono wadamo kale oo Afrikaan ah,waxa uuna Ujeedka safarkiisu yahay mid salka ku hayo sidii uu gacan libaax uga geysan lahaa dhibaatooyinka nololeed ee ka taagan Geeska Africa.

Barkhad oo warbixin kooban siiyay Telefeshinka CNN, ayaa waxa uu sheegay in Socdaalkiisa dalka Somalia uu yahay mid uu ku dhiiragalinaayo Bulshada Muqdisho ku nool, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inuu gacan ka geysanaayo dhismaha dalkiisa.

Waxaa lagu wadaa inuu soo bandhigo Barnaamijyo gaar ah oo dhaqaalo loogu uruurinaayo dadka tabaaleysan ee dhibaatadu haleeshay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada