Soomaaliya & Sweden oo kala saxiixday heshiis muhiim ah-Sawirro

Soomaaliya & Sweden oo kala saxiixday heshiis muhiim ah-Sawirro

daajis.com:- Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Ceynte iyo iskaashiga caalamiga ah iyo madaxda laanta istaatiskada Sweden ayaa si wadajir ah u kala sixiixday hishiis mudo afar sano ah kaas oo Dowlada Soomaaliya ka caawin doonto go’aanada cilmga ku qotomo, sida tirakoobka dadka, iyo ilaha dhaqaalaha, waxaana hishiiskan ku baxaya malaayiin lacag ah.

Heshiiskan ayaa ah mid muhiim u ah dowlada Soomaaliya marka la gaaro xilliga doorashooyinka taas oo guud ahaan la xaqiijin karo marka la helo tiro-koob sax ah, iyada oo hishiiskan uu sidoo kale qeyb ka yahay dib u dhiska xarunta istaatiskada ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya si loo gaarsiiyo guud ahaan dalka.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid faa’ido badan ugu jirto Dowlada Soomaaliya, waxa uuna ku amaanay Dowlada Sweden doorka ay ku leedahay caawinta Dowlada Soomaaliyeed.




Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Sweden Isabella Lövin, ayaa iyana taageertay Heshiiska ay kala saxiixdeen Dowlada Soomaaliya, waxa ayna intaa raacisay in heshiiskan uu sii xoojinayo xariirka labada wadan u dhaxeeya.


Dowlada Soomaaliya ayaa heshiisyo badan waxa ay la saxiixdeen Dowlado badan oo caalamka katirsan inkastoo heshiisyadan aysan ku dhamaan sidoo loogu tala galay , waxaana taasi loo sababeeyaa isbadalka mar walbo kuyimaada Dowlada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada