daajis.com:- Haweeney lagu magacaabo Joan Kagezi oo hormuud ka ahayd dacwadda loo heysto xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab ee bishii july sanadkii 2010-ka dad badan ku Xasuuqay Bartamaha Magaalada Kampala ayaa xalay lagu toogtay iyadoo gaarigeeda ku jirta.
Laba nin oo la socotay mooto ayaa dhowr xabadood si boobsiis ah ugu dhuftay haweeneydaasi, iyadoona geeriyootay intii goobaha caafimaadka loo sii waday.
Dadka fara-badan oo ku caweynayay Baar ku yaal aaga uu dilku ka dhacay iyo dad kaloo wadada ku socdaalayay, ayay Warbaahinta Uganda tebisay in toogashadaasi ay ku argagaxeen.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Uganda oo lagu magacaabo Patrick Onyango, ayaa Sheegay in hawlgal baaxad leh uu soconayo, si gacanta loogu soo dhigo dembiile-yaasha.
Haweeneydan ayaa ahayd dacwad oogihii guud ee gacanta ku haysay kiiska ragii ka tirsan Ururka Al Shabaab ee Weerarka Geystay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at