Soomaali laga soo daadgureynayo Yemen iyo Yemeniyiin Soomaaliya usoo qaxay

Soomaali laga soo daadgureynayo Yemen iyo Yemeniyiin Soomaaliya usoo qaxay

daajis.com:- Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowaldda Somalia iyo Qaramada Midoobay ay iska kaashan doonaan sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku nool Yemen.


Dhanka kale hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in 32 qof oo Yemeniyiin ah oo ka yimid Ticis ay ka dageen dekedda Berbera ee Somaliland.Hay'addu waxay sheegtay in dadkan ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa ka wada hadlay sidii loo daad-gureyn lahaa Soomaalida ku sugan Yemen.


Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa VOA u sheegay in UNHCR ay mas'uuliyad ka saaran tahay ilaalinta qaxootiga Soomaalida ee Yemen ku sugan haddii mushkilad la soo kulanto.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada