daajis.com:- Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Bay ayaa cambaareeyay dil xalay loogu geystey Malaaq Cali Cabdi Xiidow iyo xaaskiisa oo xalay lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Afhayeen u hadlay duqeyda dhaqanka Malaaq Max’ed Yacquub Malaaq Deerow ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka Malaaqa iyo xaaskiisa,islamarkaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo dadka ka danbeeyay dilkaasi.
Meydka Nabadoonka iyo xaaskiisa ayaa maanta lagu aasay magaalada Baydhabo iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa ka naxay maqalka dilka Nabadoonka iyo xaaskiisa.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wanaagsanaa hase ahaatee hore ayaa nabadoono iyo culumaa’udiin caan ka ahaa gobolka Bay lagu diley magaalda Baydhabo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:31 and have
, Published at