VIDEO:- Dowladda Sacuudiga & Xulufadiisa oo Sheegay in ay Wadayaan Weerarka Xutiyiinta

VIDEO:- Dowladda Sacuudiga & Xulufadiisa oo Sheegay in ay Wadayaan Weerarka Xutiyiinta

daajis.com:-  Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa wali garaacaya fariisimaha xoogaga xuutiyiintu ay ku leeyihiin woqooyiga dalka Yemen.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto weerarka Xagga Cirka, ilaa iyo inta laga wiiqayo awoodda fallaagada Xutiyiinta .  Duqaynta diyaaradaha Sucuudiga ayaa waxaa barbar socda taageero beesha caalamku iyo dowladaha Carabta ay u muujiyeen madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cabd-Rabbu Mansuur Haadi.

Dalalka Jordan, Masar iyo Suudaan ayaa ilaa iyo hadda xaqiijiyay in ay duqaynta ka qayb qaateen, iyadoo dalalka Qatar, imaaraatka Carabta, Kuwait iyo qaar kale ay iyana sheegeen iney taageerayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegay inay tixgalinayaan codsi uga yimid Sucuudiga oo lagu doonayo ciidamo dalkaasi ka socda.

Wakaaladda wararka ee Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Morocco ay dalbatay inay ku biirto hawlgalka.



TV-ga laga leeyahay sucuudiga ee Al Carabiya ayaa isaguna sheegay in dawladda Sucuudigu ay diyaarisay 150 kun oo ciidan ah oo la geeyey xadka Yemen iyo 100 diyaaradood oo ka qeyb qaata howlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada