Jimicsiga Oo La Xaqiijiyay Inuu Ka Hortago Cudurro Halis Ah

Jimicsiga Oo La Xaqiijiyay Inuu Ka Hortago Cudurro Halis Ah

daajis.com:- jimicsigaDadka jimicsiga badiya ayaa la xaqiijiyay in ay ka badbaadi karaan cudurada badan oo nolosha qofka halis ku ah.

Jimicsiga ayaa la sheegay in uu yareeyo khatarta Kansarka iyo Kolestaroolka. Daraasad laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in inta badan oo la jimicsadaa ay ay kaa sii dheeraynayso cuduro badan.

Warbxinta ayaa intaasi ku dartay, hadii qofka qaba Kansarka uu badiyo jimicsiga ay xitaa yartahay suurtagalnimda ah in cudurkaasi uu sii faafo.

Cilmibaarayaal ka socday Jaamacadda Vermont ayaa horay u caddeeyay in nooc kastaa oo jimici ah uu yareeyo kansarka, cudurada neef mareenada ku dhaca iyo kuwa maskaxda haleela.

Xarunta daraasaadka Kansarka ee UK ayaa sheegay in ay baarayaan xiriirka ka dhexeeya jimicsiga iyo khatarka kansarka. Waxaa ay sheegeen in ay aaminsanaayihiin in jimicsigu uuba mararka qaar noqon karo daawada Kansar. Waxaa ay intaasi sii raaciyeen hadii maladoodu ay waafaqso natiijada daraasaddooda ay noqon doonto farxad u soo hoyatay dadka qaba Kansarka iyo kuwa khatarta ugu jira.

Jimicsiga ama aalamiitada ayaa waddamada reer galbeedka looga arkaa inuu yahay fal caafimaad, waxaana qof kastaa lagu waajib yeelay inuu maalin kastaa uu sameeyo nooc jimicsi ah.

Xigasho: BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada