Wax Yaabaha Saxaafada Ku kacdo: Dardaaran Ku Socda Saxaafada Soomaaliya Warfaafin Mise Sirfaafin: Dardaaran Ku Socda Saxaafada Soomaaliya

Wax Yaabaha Saxaafada Ku kacdo: Dardaaran Ku Socda Saxaafada Soomaaliya Warfaafin Mise Sirfaafin: Dardaaran Ku Socda Saxaafada Soomaaliya

daajis.com:- Saxaafaddu waa mas’uuliyad culus. Waxayna qeyb ka tahay mukhaabbaraadka qeybtiisa aan qarsooneyn ee loo yaqaan “open source” iyo weliba qeybtiisa Falanqeynta.

Weriyaha waa lagu tababbaraa marka uu warku wax u dhimi karo nafta bani’aadam ama xorriyaddiisa, marka uu dhaawici karo amniga qaranka iyo sida laga yeelo.

makke6Weriyayaal aan tababbar qumman u helin ayaa jira, waxaana wehliya dad badan oo hadda adeegsada saxaafadda bulshada hase yeeshee aan wax tababbar ah qaadan, isla markaana aan ogeyna in ay mid u baahan yihiin.

Weerar marka uu dhaco inta badan dhinaca weerarka soo qaaday xaruntiisa howlgalku wuxuu leeyahay qaab uu ula xiriiro shakhsiyaadka faltanka ku jira. Telefoon ama hab kale ayay adeegsadaan si ay u kala warqaataan, talana isugu biiriyaan sida ay wax u dheceen iyo marba meesha ay xaaladdu mareyso.

Xaruntu waxay xuuraansataa idaacadaha iyo baraha internetka gaar ahaan baraha bulshada. Waxay ka eegtaa xog hor leh oo talo ku kordhin karta una sahli karta in ay yoolkooda ay gaaraan.

Marka haddii faahfaahin laga bixiyo tirada ciidanka howgalka ku jira, hubka ay sitaan, tabta ay adeegsanayaan ama jihada ay ka galayaan dagaalka, goorta ay billaabayaan weerarka ama gurmad u yimid waxay keeni kartaa in la is wargeliyo oo laga gaashaanto.

Hotel Maka.

Waxaan jecelahay in aan akhristayaasheyda la wadaago waxa ay ila tahay qaar ka mid ah casharrada laga baran karo weerarkii shalay ee Hotel Maka iyo khaladdaadka ay saxaafaddu gashay ee khatar gelin kara naf bani’aadam.

Haddii la sheego in ay dad ku dhuumanayaan qolalka qaarkood waxay keeni kartaa in lagu baraarugo lagana warhelo.

Waxaan arkayay qof facebook ku soo qoray codsi ah in loo soo duceeyo macallinkiisa iyo dhowr arday oo uu sheegay in uu la xiriiray iyaga oo ku dhuumanaya qol dabaqa dhexe ee Hoteelka ah.

Bal qiyaas khatarta ay macallinkaas, ardaydiisa iyo kuwa la xaaladda ahi ay geli karaan haddii warkaasi uu gaaro dableyda hoteelka kula jira.

Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo awaamir kala qaadanaya oo gadaashooda camera lala soo istaagay ee howlgalkii oo socda la soo daayay.

Dhanka kale, waxaan arkayay saxaafadda qaar oo shalay galab soo qortay in weerarkii la soo afjaray. Taas oo khalad ahayd. Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray.

Maxaa markaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu u soo baxayaa. Waxa ku xiga ilama aha in qofkii warka khaldan soo qoray uu sidaa ku talo galkiisu ahaa.

Xabbad in aan shanqarteeda la maqal macnaheedu khasab ma ahan in uu yahay in howlgalkii dhammaaday.

Saxaafaddu haddii ay goobjoog tahay waxay sheegi kartaa in aan wax rasaas ama qarax ah la maqlin hadda, laakiin in howlgalku dhammaaday iyo in kale waxay u taallaa Booliiska oo ay tahay in laga soo xigto.

Waxaan arkay dadka telefoonka u diraya qof kasta oo ay yaqaannaan oo hoteelkaas fariisan jiray ama ay ogaayeen in uu deggan yahay.

Dabcan waxay u danqanayaan qofkaa ka maqan amaba war jacayl dartiis ayay u wacayaan.

Qiyaas telefoonku marka uu soo dhaco haddii ay maqlaan dableyda hoteelka dhex meereysanaya ayaga oo qoryo garwaaxiidsan, farqaha ku sita banbaanooyin lagana yaabo in ay u dheer tahay jaakad ay walxaha qarxaa ku rakiban yihiin.

Xataa haddii telefoonku mayeere yahay, qofka damca in uu ka jawaabo sow ma dhici karto in codkiisa uu ku soo hago malaggiisa?

Dhanka kale, qofka telefoonka haysta haddii booliiska gurmadka ahi ay ka soo wici lahaayeen si ay ugu gurmadaan, sow ma dhici karto in uu telefoonku mashquul ku yahay wicitaankaaga war doonka iyo wax mataraha ah?

Ugu dambeyntii haddii aad ogaato qof ku dhintay goobta, waxaa habboon in aadan sawirkiisa iyo magaciisa midna aanad markiiba soo gelin saxaafadda. Waxaa habboon in aad wargeliso ehelkiisa ama aad ka dhowrsato daabacaadda ilaa ay cidkale wargelineyso ehelka marxuumka.
W/Q; Yuusuf Garaad

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada