daajis.com:- Afhayeenka guud ee uruka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay sababta ay u weerareen Dadkii u shaqaynayay hay’adda UNICEF ee daryeelka caruurta.
Sheek cali dheere ayaa ka bixiyay jawaab cajiib ah, bal halkan hoose ka dhagayso.
Qaramada Midoobay ayoo soo bandhigtay Magacyada dadkii weerarka ku geeriyooday,
1-Woki Munyui oo u dhashey dalka Kenya.
2-Stephen Adero oo u dhashey dalka Kenya.
3-Payenda Gul oo u dhashey dalka Afqaanistan.
4-Brenda Kyeyune oo u dhashey dalka Yuganda.
Afartan qof ayaa u shaqeynaayey hay’adda UNICEF ee daryeelka caruurta, waxaana sidoo kale weerarkan ku dhintey labo kamid ah ilaaladii la socotey oo ka tirsanaa ciidanka SPU ee ilaaliya hay’adaha. Puntland ayaa xaqiijineysa in weerarku ahaa qof naftiisa haligey.
Ninka is qarxiyey ayaa hilibkiisi googo’ay, waxaa laga hayaa Madaxa oo keliya, waxaana uu dheeraad ku ahaa shaqaalaha, weli lama garan magaciiisa iyo dalka uu ka soo jeedo, wararka qaar ayaa sheegaya in uusan ahayn Soomaali.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have

