daajis.com:- Ra’iisul Wasaaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta la Kulmay Madaxwayne ku xigeenka dalka kenya mr: William Ruttu.
kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiradda arimaha dibada ee labada dal ee soomaaliya & Kenya, kuwaas oo kala ahaa: Cabdisalaan Cumar hadliye iyo Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya Amb. Aamiina Maxamed Jibriil, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya iyo qunsulka safaarada soomaalida ee dalka kenya Siyaad Maxamuud Shire .
kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii la’isaga kaashan lahaa ka hortaga falalka argaggixisada ee ka dhaca labada dal, dib ucelinta qaxoontiga soomaalida ee kusugan dalka kenya iyo sidii xayiraadaha looga qaadi lahaa xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkani kenya .
Wasiirka arimaha dibada Ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cumar hadliye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laysku afgartay dhamaan ajandayaashii laga wada hadlay maanta waxaana lafilayaa in dhawaan la dhaqan galiyo dhamaan hishiisyadaasi.
Waxaana Go,aamadii dhaxalgalka ahaa ee e kasoo baxay kulankani maanta kamid ahaa in dib loo eego mudadii 3 bilood ahayd ee dawlada kenya ay u qabatay in qaxoontiga soomaalida dib loogu celiyo gudaha dalka soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have

