Biriq sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ku dhacday deegaanka Hareeri Caadle

Biriq sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ku dhacday deegaanka Hareeri Caadle

daajis.com:-Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in biriq ay ku dhacday deegaanka Hareeri Caadle ay ku dishay labo ruux laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Labada ruux ee ay biriqdu ku dishay deegaanka Hareeri Caadle ayaa la sheegay in ay ahaayeen wiilal da’adoodu ka yartahay toban sano halka labada kalana ay ahaayeen gabdho.

Dhammaan dadka wax ku noqday biriqdan ayaa waxa ay ka soo jeedaan hal qoys waxaana biriqdu ay ku dhacday guri ay degenaayeen qoyskan.

Maamulka degmada Balcad ayaa u gurmaday qoyskan iyadoo la sheegay in labada gabdhood ee waxyeeladu ka soo gaartay biriqdan loola cararay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Roobab xoog leh oo ka da’ay deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya 18kii sacadood ee ugu dambaysay ayaa sababay in qoysas faro badan ay ku barakacaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada