daajis.com:-Iyada oo intii muddo ah la hadal hayay in Cabdikariim Xuseen Guuleed yahay musharaxa madaxweynenimo ee gobolada dhexe, ayaa waxaa markii ugu horeysey ay u egtahay in uu isagu shaaciyey musharnimadiisa.
Cabdikariim oo aysan cidina horey oga maqal in uu musharax yahay ayaa waxaa maanta boorar waawey oo uu ku sawiranyahay lagu dhajiyey magaalada Cadaado halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta.
Sawirada ayaa lagu dhajiyey gidaarada, baabuurta iyo tabeelayaasha, waxaana ku qoran “U Codee musharaxa madaxweynenimo ee Gobolada Dhexe Cabdikariim Xuseen Guulee”.
Cabdikariim ayaa lagu wadaa in uu qabto xaflad balaaran oo uu kula hadli doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:42 and have

