daajis.com:-Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa baajiyey safar uu ku tagi lahaa dalka Indonesia kadib markii dhowr dal u diideen in diyaaradiisa marto hawadooda.
Jariirada Sudan Times ayaa shalay qortay in Madaxweynaha Sudan oo dhawaan dib loo doortay inuu ka baaqday safarkiisa kadib markii loo diid
Maaha markii ugu horeysay oo Cumar Al Bashiir caqabado kala kulmo dhanka safarka sanadkii 2011 ayuu hal maalin kadib xiligii loogu talo galay uu ka degay dalka China kadib markii labo dal u diideen inuu hawadooda maro.Sidoo kale sanadkii 2013 ayuu ka baaqday safar uu doonayey inuu ku tago dalka IRAN kadib markii Boqortooyada Sucuudiga u diiday inuu hawadooda maro.
Badanaa safarada Cumar Al Bashiir ayaa marka hore aad looga sii fekeraa iyadoo hogaamiyahaasi ka baqayo in dalalka qaarkood ay u gacan geliyaan Maxkamada ICC.
Madaxweynaha Sudan ayaa dacwad u taal Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada dagaal (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka Holland. Waxaana loo heystaa danbiyadii iyo xasuuqii ka dhacay gobalka Darfur ee galbeedka Sudan. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:54 and have
