daajis.com:-Dowlada IRAN ayaa dacwad kusoo oogtay Wakiilkii Jariirada Washington Post u fadhiyey Tehran kaasi oo sanadkii lasoo dhaafay Xabsiga la dhigay.
Jason Rezaian ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Iran balse sidoo kale heysta dhalashada Maraykanka, wuxuuna muddo kusoo noolaa gobalka California ee dalka Maraykanka.Iran ayaa ku eedaysay suxufigan inuu ku jiray hawlo basaasnimo, waxaana dacwada lagu soo oogay daabacday jariirada Washington Post.
Dacwadan ayaa lagu sheegay in uu xog xasaasi ah oo la xariira siyaasada Iran suxufigan ka aruuriyey gudaha dalkaasi kadibna u gudbiyey dowlado iyo shaqsiyaad shisheeye oo cadow ku ah Iran.
Waxaa sidoo kale dacwada kamid ah inuu faafiyey barobagaando ka
Waxaa sidoo kale dacwada kamid ah inuu faafiyey barobagaando ka
dhan ah hogaanka dalkaasi.
Suxufigan ayaa xabsiga Tehran lagu xiray 9 bilood kahor, balse illaa iyo hada macadeyn danbiyada loo heysto.
Hadii lagu helo danbiyada lagu soo oogay suxufigan ayaa waxaa dhici karta in xabsi dheer oo gaaraya 10 illaa 20 sano lagu xukumo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:56 and have

