Ciidamada Ruushka oo dilay hogaamiye reer Shishaan ah!

Ciidamada Ruushka oo dilay hogaamiye reer Shishaan ah!

daajis.com:-Ciidamada gaarka ah ee ka hortaga Argagaxisada ee Dowlada Ruushka ayaa dilay hogaamiyihii jamhadaha Islaamiga ah ee Shishaan.
Hogaamiyahan Aliaskhab Kebekov oo sidoo kale loo yiqiinay (Ali Abu Mukhammad), ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay magaalada Buinaksk ee ismaamulka Dagestan.Kebekov ayaa la wareegay hogaanka kooxda Imaarada Kawkusus (Caucasus Emirate) sanadkii lasoo dhaafay kadib markii uu dhintay hogaamiyihii kooxdaasi aasaasay oo la oron jiray Doku Umarov.Kooxdan ayaa doonayey inay maamul islaami ah ka dhisaan Deegaanka Kawkusus-ka Ruushka oo ay ku jiraan dhulka Shishaan (Chechnya) iyo Degastan oo ah dhul ay u badan yihiin Muslimiinta Ruushka.Ali Abu Mukhammad ayaa ahaa 43 sano jir, wuxuuna kamid ahaa kooxaha taageersan Al Qacida, waxaana bishii lasoo dhaafay lagu daray listiga Maraykanka ee hogaamiyayaasha argagaxisada.
Ruushka ayaa ku eedeeyey ninkan inuu ka
danbeeyey weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada ku taal koonfurta Ruushka ee Volgograd sanadkii 2013, weerarkaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 34 qof.Kooxda Imaarada Islaamiga ah ee Kawkasus ayaa xaqiijiyey geerida hogaamiyahooda oo Isniintii shalay la dilay.
Waxaa lagu soo waramayaa in hogaamiyaha iyo koox la socotay Axadii lagu hareeyeey guri ay ku jireen kadibna diideen inay is dhiibaan.
Waxaana Isniintii shalay iska horimaad halkaasi ka dhacay ku burburay gurigii ay ku jireen oo ay sidoo kale ku dhinteen haween la socday hogaamiyaha oo diiday inay is dhiibaan, wallow la sheegay hal cunug oo gurigaasi ku jiray inuu ka badbaaday burburka gurigaasi ku dumay dagaalka.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada