War Deg-deg ah: Qarax ka dhacay meel ku dhow hotel Central ee magaalada Muqdisho

War Deg-deg ah: Qarax ka dhacay meel ku dhow hotel Central ee magaalada Muqdisho

daajis.com:- Gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay meel ku dhow hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah iyadoo halkaas ay gaareen ciidamada ammaanka, Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa ka dhashay la dhigay baar laga cunteeyo oo ku yaal ka soo horjeedka hotel Central.

Qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.Lamana oga cidda ka dambeysay qaraxan iyadoo hore qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegan jirtay ururka Alshabaab,

Hotel Central ayaa bishii aynu ka soo gudubnay qarax ka dhacay waxa uu sababay dhimashada dad ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlada Federalka Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha wararka ku saabsan qaraxan kala soco daajis.com.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada