Daawo:- Qaraxii Muqdisho Oo Lagu Dhamaaday (Fadlan Ha Daawan Hadii aadan Aboodi karin)

Daawo:- Qaraxii Muqdisho Oo Lagu Dhamaaday (Fadlan Ha Daawan Hadii aadan Aboodi karin)

daajis.com:- Qaraxa gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Maqaayada Banooda ee kasoo horjeeda Hoteelka Central ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee qaraxaasi ka dhashay, waxaana tirada dhimashada ilaa iyo hada la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 10-ruux, waloow aysan jirin cid si rasmi ah tirada u xaqiijisay.

Goobta maqaayada ah ee qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ku sugnaa dad ka cunteenaayay xilligaasi, oo dhaawac iyo dhimasho kasoo gaaray qaraxaasi.

Dadka dhibaatada soo gaartay ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Weli Booliiska kama aysan hadlin qaraxaan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu weeraray goobta maqaayada ah ee laga cunteeyo.

Ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaan maanta lagu qaaday maqaayada Banooda ee Muqdisho.

Shalay ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen shaqaalo ka tirsan Hay’adda UNICEF ee Magaalada Garoowe oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada