daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye iyo Mahad Karate, kadib warbixin ay goor dhow ka soo baxday, waxaana labadan xubnood la xayirayaa dhamaan hantidooda.
Warbixinta ka soo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeydah uu noqday Hogaamiyaha Al-Shabaab, kadib markii uu geeriyooday Hogaamiyihii kooxdaas Axmed Cabdi Godane bishii September ee sanadkii 2014.
Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in Axmed Diiriye uu horay xilal kala duwan u soo qabtay, sida Kaaliyaha Godane, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Jubada Hoose sanadkii 2008, Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool sanadkii 2009, sidoo kale waxaa uu noqday La Taliyaha gaarka ee Godane.
Axmed DiiriyeWarbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Mahad Karate oo loo yaqaano Abdirahim Mohamed Warsame oo door muhiim ku leh Amniyaadka Al-Shabaab ayaa isna lagu daray liiska Argagixisada, waxaana warbixinta lagu sheegay in garabka Amniyaadka Shabaab ay Mas’uul ka aheyd weerarkii Jaamacada Gaarisa oo lagu dilay 150 ruux.
Mahad Karate ayaa sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in doorar badan uu ku lahaa dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, kenya iyo dalal kale iyo weerarada is qarxinta.
Al-Shabaab ayaa loo aqoonsaday urur argagixiso, waxaana lagu daray liiska Ururada caalamiga ee Argagixisada 17 bishii March ee sanadkii 2008. waxaana uu ka mas’uul ahaa weeraro ka dhacay dalka dibadiisa, sida weerarkii Kampala ee dhacay sanadkii 2010 iyo weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013.
Mareykanka ayaa sanadkii 2012 liiska argagixisada ku daray Hogaamiyeyaal dhowr ahaa oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo sidoo kale madaxooda la dul dhigay lacago malaayiin doollar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 06:27 and have

