daajis.com:- Hay’ada danbi baarista ee Maraykanka FBI ayaa dacwad kusoo oogtay Lix dhalinyaro Soomaaliyeed ah, iyadoo dhalinyaradan la qabtay xili ay doonayeen inay si qarsoodi ah ugu baxaan dalka Mareykanka.
Andrew Luger oo ah Xeer illaaliyaha dacwada kusoo oogay dhalinyaradaasi ayaa sheegay in dhalinyaradan oo kasoo jeeda magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ay doonayeen in ay si qarsoodi ah ugu baxaan dalka Mareykanka si ay ugu biiraan kooxda xagjiriinta ISIS ee dalka Siiriya iyo Ciraaq.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay mud badan baadi-goobayeen baasabooro been abuur ah oo ay ugu baxaan dalka Mexico oo ay Maraykanka jaarka yihiin, kadibna uga sii duulaan dalka Siiriya.
Waxaana magacyadooda dhalinyaradan lagu kala sheegay:
Mohamed Abdihamid Farah, 21 sano jir.
Adnan Abdihamid Farah, 19 sano jir.
Abdurahman Yasin Daud, 21 sano jir.
Sakariya Yusuf Abdurahman, 19 sano jir.
Hanad Mustafe Musse, 19 sano jir.
Guled Ali Omar, 20 sano jir.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:00 and have
