daajis.com:- Ma aha wax lala yaabo in ruux mahubsade ah ama niyad xun uu qof aan dhiman geeri ku sheego. Waxaase la yaab ah, in dad aad u faran ay beentiisa ayagoon hubsanin u faafiyaan, kuna marinhabiyaan mshubsatada.
Waxaan la wada soconaa in fannanka weyn ee Xasan Aadan Samatar oo bedqaba lagu shaagay inuu geeriyooday. Aniga qudhayda waxaa layga soo tacsiyeeyay hooyaday oo nool kaddib markii wiil aan qaraabo nahay oo haatan Kanada ku nool uu geerideeda ulakac suuqa u geliyay.
Hussein-MachoziHaddaba, Heesaaga heeska “Katia Ghetto” na ‘Jela’ Xusseen Machoni, wuxuu ka naxay wararka kutirkuteenka oo laysla dhaxmaraayo oo ah inuu ku geeriyooday shil wado oo xun, kana dhacay malagaalomadaxda Tansaaniya ee Dodoma maalintti Isniinta.
Sida laga soo xigtay wargayska Daily Nation ee dalka Kenya, warka geeridiisa wuxuu soo ifbaxay kaddib markii baraha bulshada lagu arkay nin fannaanka u muuqaal ek oo shil ku dhintay.
Husseen wuxuu bartiisa facebookga, ku soo qoray: inuu nool yahay kuna sugan xaalad caafimaad oo aad u fiican. Wararkaanna ay hooyadiis iyo gabdhaha la dhashay ay jirro ku rideen ayagoo suuxay kaddib markay maqleen wararkaan.
Fannaanku wuxuu intaa siiraaciyay: Waxaan aaday layli kubbadda cagta ah, anigoo telefoonkaygii uga tagay cabbeeyaha (Charger), markaan soo noqday, waxaan arkay wicitanno i gafay, waxaana ii soo dhacay kuwo lay sheegaayo inuu shil igu dhacay. Hooyaday iyo walaashayna sidaasoo kalaa loo soo wacay.
Anigu waxaan idiin sheegaay in waxa aad maqasheen aysan run ahaynin. Waa joogaa, waana nabadqabaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have

